Puntland oo bandow habeenkii ah soo rogtay

Puntland oo bandow habeenkii ah soo rogtay

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne kuxigeenka Axmed Cilmi Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga u qaabilsan ka hortagga Cudurka Coronavirus.

Kulankan ayaa labada Guddi waxay warbixin siiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, waxaana ay uga warbixiyeen xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaar garoobay ka hortagga cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan ku faafaya.

Go’aamo laga soo saaray shirkaas ayaa waxaa ka mid ah in Bandow lagu soo rogo magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana Bandowga uu bilaabanayaa 6-da maqribnimo illaa 5-ta subaxnimo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com