Garoowe, Oct 23 2016–Kadib kulan Qaatay Mudo laba Maalmood ah ayaa Waxaa lagu xaliyay khilaafkii udhaxeeyay Maalmahan Golaha deegaanka ee Dagmada Burtinle ee G/nugaal iyo Maamulka Dagmada.
Hadaba Maalmahan waxaa Dagmada Burtinle kusugnaa GudI uu magacaabay Madaxweynaha dowlada puntland D.r C/wali Cali gaas kaasoo ku guulaytay Xalita Khilaafii udhaxeeyay Maalmahanba Maamulka Dagmada Burtinle iyo sidookale Golaha deegaanka ee Dagmada Burtinle,
Gudigan ayaa Waxaa kamid ahaa. Wasiir dowlada Wasaarada arimaha Gudaha Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gudoomiyaha Gudiga arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee gudiyada Baarlamaanka Xildhibaan C/Casiis Gacamey iyo Gudoomiyaha G/bolka Nugaal .iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha .
Hadaba Markii uu kulankaasi soodhamaaday Waxaa Radio Daljir lahadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha . Mudane C/casiis cilmi koor Waxa uu uwaramay Wariye Xasan Heykal oo kusugan Daljir Bosaaso ugu Horeena waxa uu waydiiyay Nuxurkii kasoobaxay Xalinta khilaafkii udhaxeeyay Maamulka Dagmada iyo Golaha deegaanka ee Dagmada Burtinle.
COMMENTS