Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardar-gelinta iyo kamira dhalinta qorshaha sugidda amniga deegaanada Galmudug.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha Amniga degaanada maamulka Galmudug, ee Booliska nabad suggida iyo Milatariga.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka dalbaday Saraakiisha Amniga dardargalinta howlaha xaqiijinta Ammaanka degaanada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in ay laba jibaaraan howlgallada Ammaanka lagu xaqiijinaayo ee dhanka ah Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com