Wasiirka Haweenka Federaalka oo Jigjiga timid Qoloji se aan tegin

Wasiirka Haweenka Federaalka oo Jigjiga timid Qoloji se aan tegin

Maamulka Dowlod Deegaanka Soomaalida ayaa maanta garoonka diyaaradaha Jigjiga ee Garaad Wiilwaal ku soodhaweeyey wafdi ay horkacaysay Wasiirka Arrimaha Haweenka ee Dowladda Federaalka Itoobiya, Marwo Filsan Cabdullaahi.

Marwo Filsan Cabdullaahi oo la hadashay warbaahinta ayaa ujeedada socdaalka ku macneysay  sidii ay u caawin lahaayeen barakacayaasha ku sugan xerada Qoloji iyo in ay deegaanka ugu deeqayaan qalab lagaga gaashaamanayo cudurka COVID-19.

Wasiirku ma booqan, mana ay sheegin in ay booqan doonto xerada Qoloji iyo in kale.

Xerada Qoloji oo hore maamulka Mustafe Muxumud isugu dayey in la xiro, ku se guuldareystay ayaa ah xerada ugu weyn ayna ku soo barakeceen Soomaalida ay Oramadu ka soo barakiciyeen kalana wareegeen deegaankoodii.

Tan iyo intii uu Abiy Axmed la wareegay jagada sare ee Itoobiya, maleeshiyaadka Oromada oo kaashanaya QEERO waxa ay dagaal kula wareegeen deegaano badan oo Soomaalida, Soomaalidiina ka barakiciyey. Deegaanada lala wareegay waxaa kamid ah Jafibaadi, Jafigolosha, Dhangago, Makaniis, Balayga, Geellaa, Tuur Caanood, Marar iyo qabalo hoostaga deegaanka Tuli Guuleed.

Barakacayaasha Qoloji oo biloowga sannadkii 2019 maamulka Jigjiga iyo kan Dowlad Deegaanka ee Madaxweyne Mustafe Cagjar u gudbiyey baahiyo ay ku jiraan aanbalaas iyo MCH ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka helin codsiga ay maamulkooda u gudbiyeen, meesha bishii May 2019 Madaxweyne Mustafe Cagjar uu barakacayaasha Amxaarada ugu deeqay lacag dhan Birr 10,000,000, una dhiganta $250,000.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale bishii Siteenbar 2018 barakacayaasha Oromada ugu deeqay lacag dhan Birr 40,000,000, waqtigaasna u dhigantay $1,000,000 USD.

Weerarada joogtada ah iyo barakcinta Oramadu ku hayso Soomaalida Dowlad Deegaanka ayaa dadka deegaanku rumeysanyihiin in ay daarantahay damaca ah isku xirka Jinacsani, oo hore Soomaalida loogala wareegay, iyo Boorama, Awdal, si loo gaaro xeebta Saylac. Jinacsani iyo Boorama waxaa u dhexeeya degmada Tuli iyo Degmada Awbarre

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com