Dowladda oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen 20 Xaaladood Cusub oo COVID-19 Ah

Dowladda oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen 20 Xaaladood Cusub oo COVID-19 Ah

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan:

Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24-kii saacadood ee dumbaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood.

Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.
Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.

Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80

Kiisaska cusub maanta: 20

Tirada Bogsootay: 2

Tirada Dhimashada: 5

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com