Maamulka Caabudwaaq oo sheegay in ay joojinayaan Gaadiidka ukala safra Muqdisho iyo Caabudwaaq (dhegayso)

Maamulka Caabudwaaq oo sheegay in ay joojinayaan Gaadiidka ukala safra Muqdisho iyo Caabudwaaq (dhegayso)

Iyadoo magaalada Caabudwaaq maalinkasta Muqdisho ay kaga yimaadaan
kagana safraan in kabadan Boqol qof kuwaasi oo ku safra Gaadiidka
dhulka ayaa maamulka degmadda Caabudwaaq waxaa uu soo saarey Awaamiir
uu ku joojinayo Baabuurta iskaga kala goosha Caabudwaaq iyo Muqdisho

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada maamulka degmadda Caabudwaaq
Axmed Falax Falax oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in iyada oo
magaalada Muqdisho laga helay dad badan oo qaba cudurka Coronavirus
dhowr qofna ay udhimatay in maamulku uu soo saarey Awaamiir lagu
joojinayo Gaadiidka Muqdisho ka yimaada iyo kuwa aada si looga
taxadaro in dad qaba xanuunka Covid 19 ay soo galaan magaalada

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada maamulka Caabudwaaq ayaa xusay
in qalabka lagu ogaado dadka qaba xanuunkaan aysan oolin degmadda
Muqdishana aan lagu soo baarin marka ay soo raacayaan gaadiidka
sidaasi darteedna ay samaynayaan ka hortag ah in ay joojiyaan
gaadiidka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com