Ololaha Muqdisho lagu buufinayo, si looga hortago faafida Coronavirus

Ololaha Muqdisho lagu buufinayo, si looga hortago faafida Coronavirus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka.

Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in ololahan lagu buufinayo uu yahay mid magaalada oo dhan laga sameyn doono, si loo dilo jeermiska cudurka Coronavirus, waxaana uu tallaabadan ku tilmaamay mid qeyb ka ah qorshaha looga hortago gebi ahaanba cudurka.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com