Madasha Xisbiyada oo war ka soo saaray heshiisyada siyaasadeed ee ka dhacay Maamul Goboleedyada

Madasha Xisbiyada oo war ka soo saaray heshiisyada siyaasadeed ee ka dhacay Maamul Goboleedyada

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay heshiisyada siyaasadeed ee ka dhacay Maamulada Galmudug iyo Jubbaland, iyagoo ugu baaqday dowladda Federaalka inay ku dayato maamuladaas, lana heshiiso maamul goboleedyada.

ar saxaafadeed ka soo baxay madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu hambalyeeyay heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo lagu soo afmeeray khilaafkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb bishii Febraayo 2020.

Sidoo kale Madasha ayaa waxay soo dhoweysay heshiiskii shalay ay ku gaareen magaalada Nairobi Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubnaha Golaha Is bedel doonka, ee lagu soo gabogabeeyay khilaafkii ragaadiyay doorashadii Jubbaland ka dhacday Agosto 2019.

Hoos ka akhriso.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com