Madaxii xiriirka Caalamiga ee xiriirka Kubadda Koleyga Somalia oo London ku geeriyooday

Madaxii xiriirka Caalamiga ee xiriirka Kubadda Koleyga Somalia oo London ku geeriyooday

Waxaa xalay Magaalada london ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Alle ha u Naxariistee Madaxii xiriirka Caalamiga ee Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaiya Eng, Baana Cabdalla Cali kaasi oo maalmahaan la xanuunsanayey cudurka Saf mareenka ah ee Covid-19.

Isbitaal ku yaalla Magaalada london ayaa la sheegay in muddo bil ah uu ku xanuun sanayay,waxaana dad ku sugan lodon ay sheegeen in maalmahaan xanuunkiisa uu kasii darayay ugu dambeyna uu u geeriyooday.

Eng-Baana oo sidoo kale ahaa Madaxii Suuqgeynta xiriirka Kubadda Koleyga ee Bariga iyo bartamaha Qaaradda Yurub ayaa waxaa ka tacsiyadeysay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Aniga oo ku hadlayo magaceyga iyo kan dowladda Soomaaliya waxaan ummada Soomaaliyeed ugu tacsiyadeynayaa geeriddii naxdinta laheyd ee ku timid halyeeygaasi qaran,si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay. Allaha ha ugu deeqo mid ka mid jannooyinkiisa, kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo. Aamiin Aamiin.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com