Taliyihii hore Nabadsugida G/Banaadir oo laga saaray xubinnimadii Hey’adda NISA

Taliyihii hore Nabadsugida G/Banaadir oo laga saaray xubinnimadii Hey’adda NISA

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helay ayaa sheegaya Taliyihii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir Ibraahim Macalin laga ruqseeyay xubinnimadii Hey’adda NISA, kaddib markii uu Hoggaanka Hey’adda ku eedeeyay inuu sameeyay arrimo ka hor imaanaya danaha Qaranka.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Daljir in Hoggaanka NISA ay qoraal la wadaageen hoggaanada kala duwan ee Hey’adda, looguna sheegay in Sarkaalkaas laga saaray hey’adda, isla markaana aan wax xiriir ah lala sameyn karin, sidoo kalena galka kiiskiisa oo arrin xasaasi lagu tilmaamayna lala wadaagi doono Taliyaha ka dambeeya Taliyaha hada xilka haya.

Bartamihii bishii February ee sanadkan ayay aheyd markii Taliyaha NISA uu xilka ka qaaday Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Ibraahim Macalin.

Tan iyo markii Hoggaanka NISA uu la wareegay Fahad Yaasiin ayaa waxaa jiray saraakiil dhowr ah oo laga ruqseeyay xubinnimada Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay inay galeen arrimo ka hor imaanaya hannaanka shaqo iyo danaha qaranka, waxaana xubnaas horay looga saaray hey’adda ka mid ahaa Taliye kuxigeenkii hore ee NISA Cabdala Cabdalla oo markii dambe digreeto Madaxweynaha soo saaray looga xayuubiyay darajadii ciidanimo.

Hase ahaatee waxaa su’aalo kala duwan ka imaanayay habka shaqo ka ruqseynta xubnaha Hey’adda ka tirsan oo ahaa tallaabooyin cusub oo labadii sano u dambeeyay uu la yimid hoggaanka Hey’adda, waxaana dadka bartay arrimaha sharciyada ciidanka ku tilmaameen in go’aamadan aanay aheyn kuwo Maxkamad ay riday, marka l eego sifaha loo maro oo ah eedeynta mid ka timaada hoggaanka oo aanay ku dhisneyn sharciyad Maxkamadeed, maadaama haddii shaqsiga la soo eedeeyo ay tahay in gal dacwadeed laga furo Maxkamadda ciidanka, si haddii uu galay dambi ka hor imaanaya danaha Qaranka loogu qaado, haddii ay ku cadaatana ay Maxkamadda ka qaado tallaabada ku habboon sida ruqseyn iyo darajo ka xayuubin ku soo baxda Digreeto Madaxweyne.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com