DHEGEYSO-Madaxweyne Xasan Sh oo kahadlay dagaalka kasocda Galkacyo.

Muqdisho, Nov 07 2016–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyana ay ku howlantahay sidii loo hakin lahaa colaada daba dheeraatay ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.



Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka Magaalada Gaalkacyo aysan ku lug laheyn dowladda Soomaaliya .



Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka Magaalada Gaalkacyo uu soo taagnaa muddo aad u dheer , islamarkaana ay nasiib daro ay tahay in maamulada Qaarkood ay dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyaan colaada Magaalada Gaalkacyo.



Maamulka Puntland ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ku eedeeyay  in ay maamulka Galmudug ay ku taageerayso colaada Magaalada Gaalkacyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com