Maamulka gobalka Banaadir oo bilaabay in laga hortago Covid19

Maamulka gobalka Banaadir oo bilaabay in laga hortago Covid19

Waaxda Caafimaadka iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah ee loogu hortagayo Cudurka safmareenka ah ee Karoona ka sameeyay qeybo ka mid ah suuqa dalka ugu weyna ee Bakaaro ee Magaalada Muqdisho,

Gadiidka gurmadka deg dega ee Dowladda Hoose ayaa ka qeyb-qaadanay howlaha lagu buunayo iyagoo adeegyada biyo ay ku jiraan suntan disha jeermiska waxaana ay ka sameeyeen qeybo banadan uu ka mid ah Suuqa .

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ayaa ugu kormeeray Howlwadeenada Waaxda Caafimaad iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar kuwaasi oo fulinayay qorshaha ka hortaga Caabuqa COVID19 ee lagu Buufinayo Caasimadda.

Mudane Axmed Xasan Iimaan Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ayaa sheegay in horey loo soo buufiyay goobo muhiim u ah shacabka oo isu-socodka iyo ganacsiyada ku badan, hadana la soo gaaray Suuqa Bakaaraha oo shacabka Muqdisho ay si weyn ugu dukaameystaan, waxa uuna xusay in la gaari doono qeybaha kale ee Caasimadda si loo sii wado ka hortaga Caabuqa COVID19.

“Waxaa uu hore maamulka Gobolka Banaadir oo usoo buufiyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada si loo xakameeyo cudurka dalka kusii fidayo ee Karoona lana gaarsiin doono dhammaan Degmooyinka iyo goobaha ganacsiga ee Gobolka Banaadir “

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com