Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo sheegay in Qabuuraha Muqdisho lagu aasay 500 qof oo meyd ah

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo sheegay in Qabuuraha Muqdisho lagu aasay 500 qof oo meyd ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen tirada meydadka la geeyo maalin walba qabuuraha ku yaala magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in kulamada uu shir guddoomiyo Ra’iisul wasaaraha ee la xiriira arrimaha COVID-19 hey’ad walba howl loo diro, isagoo xusay in maamulka Gobolka Banaadir loo diray inay ka soo warbixiyaan tirada meydadka maalin walba la aaso.

“Tirada meydadka qabuuraha la geeyo laga soo bilaabo 19-kii bishii iyo iyo hadda oo 1-da May ah waxay caga cageyneysaa 500 oo meyd”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Waxaa uu sheegay in tiradii ugu badneyd ee ay gudbiyaan maalin qura ay aheyd 49 meyd, halka tirada ugu yar ay ka aheyd 22 meyd, waxaa uu xusay inay xalay oo taariikhda aheyd 1-da May gudbiyeen 32 meyd.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in qabuuraha ku yaalla magaalada Muqdisho la geeyay meydad badan, iyadoo dadkaas loo maleynayo inay u dhinteen cudurka Coronavirus, inkastoo aan baaritaan dhab ah la marin

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com