Wasaaradda Cafimaadka DFS oo Balaarisay goobaha lagu baarayo Xanuunka Covid19

Wasaaradda Cafimaadka DFS  oo Balaarisay goobaha lagu baarayo Xanuunka Covid19

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 55 xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixita ku sheegtay in 5 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 19 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (41) Puntiland, (13) iyo Hirshabeelle (hal) ruux. 37 kamid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin 18 ayaa haween ah.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 828 guud ahaan 44 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka.

Wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijisay in COVID-19 uusan xuduud laheyn,

qof kasta, da’ kasta, lab iyo dhadig uu si isku mid ugu dhici karo, waxayna ku baaqday in qof kasta uu mas’uuliyad dheeraad ah iska saaro hannaanka xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo xoogga saareysa in la ballaariyo hannaanka bulshada looga baarayo cudurka ayaa maanta daah furtay hab cusub oo Mobile-ka lagu degsanayo kaas oo sahlaya in dadka isaga shakiya COVID-19 ay si dhaqsa ah ku helaan talo iyo gurmad caafimaad.

Hoos ka daawo

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com