Madaxweynaha Jubbaland oo Magacaabay Guddiga qaban qaabada Aaska Wasiirki Hore Waxbarashada Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland oo Magacaabay Guddiga qaban qaabada Aaska Wasiirki Hore Waxbarashada Jubbaland

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Magacaabay Guddiga qaban-qaabada aaska Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland ee dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya.

Guddiga ayaa ka kooban 7 xubnood oo iskugu jira madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland, Wasiiro, ganacsato iyo odayaasha dhaqanka.

24 Saa ee soo socota ayaa la filayaa in meydka Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland la keeno Magaalada Kismaayo,isla markaana Aaska ay ka qeyb galaan Madaxda Sare ee Maamulka Jubbaland.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com