Guddiga ka hortagga Covid19 oo ka shiray xakameynta bulshada ee dabaal degga Maalmaha Ciidda

Guddiga ka hortagga Covid19 oo ka shiray xakameynta bulshada ee dabaal degga Maalmaha Ciidda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19,kaasoo habeen walba hab muuqaal ah dhanka Internet-ka ah ay ku yeeshaan Xubnaha Guddiga.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda, iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona.

Qorshaha ayaa waxaa kamid ah, sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka Caafimaad ee Wasaaradda Caafimaadka qaybta ka ah ka hor tagga safmarka ee COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Tallaabooyinkan lagu xakameynayo isu imaatinta bulshada ee u dabaal dageysa Farxada Ciida ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada amniga iyo kooxo caafimaad, waxaana goobaha dadka isugu tagaan la geyn doonaa kooxo wacyigelin ah, si ugu yaraan dadka u kala fogaadaan,

Ciida oo ay maalmo naga xigaan ayaa dalal badan waxay joojiyaan isu imaanshaha iyo dabaal degga, si looga hortago faafitaanka cudurka oo ay suura gal tahay inuu ku fido goobaha bulshada isugu timaado.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com