Garoowe, Nov 25 2016–Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadeeda qalabka sida u diyaar garoobayaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka dadka ku tabaalaysan abaaraha ka jira deegaanada Puntland oo gaaray heerkii ugu xumaa.
Warkaan lagu sheegay war murtiyeedka kasoo baxay shirka gollaha wasiirada ee dowladda Puntland oo khamiis walba ay madaxtooyada ku yeeshaan, shirkaas oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa Camey.
Halkaan ka akhriso
COMMENTS