Maamulka degmada Jarati ee gobolka AFDHEER ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa bilaaabay qorshe lagaga hortagayo xanuunka malaariyada ee ka dhasha kaneecada. Maamulka degmada ayaa Radio Daljir u xaqiijiyey in degmooyin kamid ah gobolka Afdheer ay ku soo badanayaan xanuunka malaariyada, loona baahanyahay qorshe lagaga hortago faafka kaneecada.
Maamulka degmada ayaa diyaariyey tiim xirfadlayaal caafimaad iyo qalab lagu buufinayo guryaha shacabka iyo goobaha biyaha kaydiya.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Jigjiga
COMMENTS