Wasiirka Amniga Galmudug Fiqi oo Alshabaab ku edeyeey inay huriso colaada beelaha gobalka Mudug

Wasiirka Amniga Galmudug Fiqi oo Alshabaab ku edeyeey inay huriso colaada beelaha gobalka Mudug

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada kala ah; Danab, PSF, kuwa ammaanka Galmudug iyo Xoogga Dalka qeybtooda 21-aad ayaa lagu soo qabqabtay dad lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab sidda uu sheegay Wasiirka Amniga Galmudug.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug gaar ahaan Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldob.

Shir jaraa’id oo ay wadajira ay wada qabteen wasiirka wasaaradda amniga Galmudug, wasiiru Dawlaha cadaaladda Puntland, ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland iyo taliyaasha qeybaha Booliska Galmudug iyo Puntland ayay ku sheegeen in Ciidanka Wadajirka ah howlgalkii ay ka wadeen gobolka Mudug Guul weyn laga gaaray.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay ka dambeeyeen dagaal beeleedyo ka dhacay degaano ka mid ah gobolka Mudug.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay qabteen Maleeshiyaad hubeysan oo falalkaasi fulin jiray si Ciidanka Galmudug iyo kuwa Galmudug ay ugu mashquulaan xalinta dagaal beeleedyada.

Ciidanka Puntland iyo Galmudug ayaa dhawaan Gaalkacyo ku dilay nin ay sheegeen in uu ahaa Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gaalkacyo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com