Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray degmadda Xudur

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray degmadda Xudur

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, deegaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka ee degaanada Koonfur Galbeed iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada.

ugu dambeytii Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Mashaariic horumarineed oo dowladda Soomaaliya ay ka sameysay Magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com