Mareykanka oo taageeray baaqii Aqalka Sare iyo maamul goboleedyadda qaarkood

Mareykanka oo taageeray baaqii Aqalka Sare iyo maamul goboleedyadda qaarkood

Dowladda Mareykanka ayaa si cad u taageertay go’aankii Aqalka Sare ee ahaa in kulan deg deg ah ay isugu yimaadan Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Dowladda Mareykanka Sidoo kale ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah shir ugu ula yeelato Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, si xal waara looga gaaro khilaafka hareeyay geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waxay ugu baaqeysaa Dowladda Federaalka in ay si deg deg ah shir u qabato dhammaan Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee maamul goboleedyada, Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa saldhig u ah mabda’a wadahadalka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, Qodobka 51 farqadiisa (3) wuxuu dhigayaa in Madaxweynayaashu kulmaan ugu yaraan hal jeer sanadkii” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Mareykanka.

“Waxaan soo dhaweynaynaa hadaladii dhowaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo daneeyayaasha kale ee codsaday inay shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com