Madaxweyne Laftagreen oo sheegay in goobaha waxbarashada dib lo furi doono

Madaxweyne Laftagreen oo sheegay in goobaha waxbarashada dib lo furi doono

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa uu ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xiligan ka jira deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Xudur heerkeeda wax barasho ay aad u liidato.

Sidoo kale Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa uu sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono Iskuulada ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira COVID-19, si loo bilaabo qaadista Imtixaanaadka Fasalka Sideedaad.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com