Ciidanka Amniga Jubbaland oo soo bandhigay Qaraxyo ay qabteen

Ciidanka Amniga Jubbaland oo soo bandhigay Qaraxyo ay qabteen

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay inay ka hortagtay qaraxyo ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab isugu gudbiyaan degaannada Wabiga aaga Yoontooy iyo Buula-Gaduud.

War kasoo baxay NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ay hayeen xog ku saabsan in Al-Shabaab ay doonayaan inay miinooyin isku gudbiyaan,isla markaana Ciidamada Amniga ay weerar ku qaadeen,isla markaana Ciidamada ay gacanta ku dhigeen miinooyinka.

Dagaal kooban ayaa la sheegay in uu dhex-maray Ciidamada Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab,walow Hay’adaha Amniga Jubbaland aysan sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ciidamada Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku doonayaan inay kula wareegaan degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com