Gabdhaha maamulada Soomaaliya oo tartan kubadda kolayga ah Garoowe uga socdo.

Garoowe, Dec 24 2016-Garoonka ciyaaraha ee Mira-awaare Garoowe ayaa waxaa ka socda tartan kubadda kolayga ah oo u dhexeeya gabdho kala matalaya maamul goboleedyada kajira dalka Soomaaliya.

Kooxaha tartanka ka qaybgelaya.

Banaadir

Puntland

Jubbaland

Galmudug

Hirshabeelle

Iyo koox lagu magacaabo Bilan oo kujirta booska Koonfur Galbeed.

Group A                       Dhibcaha

Puntland                       3 dhibcood

Billan                             Eber

Galmudug                     3 dhibcood

Group B                       Dhibcaha

Banaadir                                  3 dhibcood

Jubbaland                               Eber

Hirshabeelle                           3 dhibcood

Ciyaarta ugu adag ayaa galabta dhexmari doonta kooxaha Galmudug iyo Puntland oo ku dagaalamaya sidii ay ugu soo bixi lahaayeen kaalimaha 1aad iy 2aad ee groupkood.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com