DHEGEYSO-Howlgalo dad lagu qaqabtay oo ka socda magaalada Boosaaso.

Boosaaso, Dec 26 2016-Ciidanka ammaanka ee Puntland ayaa dadban ku xirxiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari si baaritaano loogu sameeyo haddii ay ku luglahaayeen dilal qorshaysan oo magaalada loogu geystey mas’uuliyiin uu ugu dambeeyey xeer ilaaliyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland Cabdikariin Xasan Firdhiye.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan oo lahadlay Daljir ayaa sheegay inay socdaan baaritaano iyo howlgalo baahsan, sidoo kale baaritaan qaran lagu samaynayo askar dowladeed oo goobta lagu diley xeer ilaaliyaha kusugnaa aanse wax tallaabo ah qaadin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com