RW khayre oo Garoowe gaaray

RW khayre oo Garoowe gaaray

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxda kale ee la socotay.

Wafdiga uu horkacayo ra’iisul wasaaraha ayaa waxa ay ka qeybgalayaan aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Sidoo kale waxaa aaska ka qeybgalaya madaxda dowlad goboleedyada dalka kuwaasoo hore ugu sugnaa magaalada Garowe iyo qaar kale oo gaaray maanta.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com