Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo dib ugu laabtay dhuusmareeb

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo dib ugu laabtay dhuusmareeb

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay maanta Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb kaddib markii uu Magaalada Garoowe uu uga qeyb-galay aaska Ra-isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Puntland.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Madaxda Maamul goboleeyada oo ku sugan Magaalada Garoowe oo iyana ku sugan magaalada Garoowe ayaa la filayaa inay tagaan Dhuusamareeb si ay uga qeyb-galaan shirka dhawaan dhex-mari doona Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com