Sudan: Maxkamadeynta Madaxweynihii hore ee Suudan oo dib loo dhigay

Sudan: Maxkamadeynta Madaxweynihii hore ee Suudan oo dib loo dhigay

Ilaa iyo 11-ka Bisha Agoosto ayaa Maxkamad ku taal dalka Suudaan dib u dhigtay, maxkamad la saari lahaa madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Al-Bashiir iyo qaar ka mid ah xulafadiisii ​​hore.

Dhamaan waxaa loo haysto eedeymo ah in ay horseedeen afgambigii militari ee uu xukunka kula wareegey Al-Bashiir sanadkii 1989-kii, sida ay warisay wakaalada Wararka ee Reuters.

Maxkamada oo gaartay Go’aano waa weyn ayaa sheegtay in kiiska lagu dhegeysto maxkamad weyn isla markaana loo ogolaado qareeno badan iyo xubno ka tirsan qoyska eedeysanayaasha inay xaadiraan.

Qareenada qaar ayaa iyagu ka cawday asxaabtooda in aysan awoodin inay soo galaan kalfadhiga.

Eedeysaneyaasha kale waxaa ka mid ah xulafadii hore ee Al-Bashiir sida Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cusmaan Taha iyo Ali Al-Haj, xoghayaha guud ee Xisbiga Islaamiga ahaa ee (PCP), sida ay leeyihiin saraakiisha garsoorka.

Maxkamad ku taal dalka Suudaan ayaa horey ugu xukuntay Al-Bashiir labo sano oo xabsi ah bishii Diseembar iyada oo lagu soo eedeeyay eedeymo musuqmaasuq. Wuxuu sidoo kale wajahayaa tijaabooyin iyo baaritaano la xiriira dilkii banaanbaxayaasha ee Sudan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com