Wararkii ugu dambeyeey ee khasaaraha ka dhashay qarixi Lubnaan

Wararkii ugu dambeyeey ee khasaaraha ka dhashay qarixi Lubnaan

135 ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday, inka badan 5,000 oo kalane waaku dhaawacmeen, halka 300,000 ay guryo la’aan ku yihiin Magaalada Beyruut ee Caasimada Lubnaan.

Wasiirka caafimaadka Lubnaan ayaa u sheegay telefishanka Al Manar in tirada dadka dhintay ay kor u dhaaftay 135, iyadoo 5,000 ay dhaawacmeen, isagoo intaa raaciyay in tobaneeyo kale wali la la’yahay.

Guddoomiyaha magaalada, Marwan Abboud, ayaa sheegay in in kabadan 300,000 oo qof ay hoy la’aan yihiin, iyadoo kala bar magaalada ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxyada.
Wuxuu kaloo ka digay tirada dhimashadu in loobadin doono in ay sare u kacdo, iyadoo dad badan laga cabsi qabo in burburka dhismaayasha wali ku hoos xanibanyihiin.

Madaxweyne Misheel Cawn ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate taasoo si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin dekadda ku yaallay muddo lix sano ah.

Madaxa kastamada ee Lubnaan, Badri Dahir, ayaa sheegay in hay’adda uu madaxda ka yahay ay codsatay in kiimikadaasi dekadda laga qaado, balse “aanay taa dhicin.”

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com