Dowladda Federaalka oo baaraysa sababta maxaabis xabsi kujira ay ku heleen Hub

Dowladda Federaalka oo baaraysa sababta maxaabis xabsi kujira ay ku heleen Hub

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa guddi u Magacaabay dagaalkii shalay Xarunta Xabsiga dhexe ee xamar ku dhexmaray Maxaabiis ku jirta iyo Ciidanka ilaalada ka haaya halkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mahdi Guuleed ayaa lagu magacaabay Guddiga oo baaritaano dhab ah ku sameeya doona sababta keentay dagaalkii ka dhacay Xarunta Xabsiga dhexe, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddigaas ayaa ka kooban 6-xubnood, isla markaana baaritaano ku sameeynaya dagaalkii dhex-maray qaar kamid ah Maxaabiis ku jira xabsiga dhexe iyo Ciidanka ilaalada ka haaya halkaas.

Dagaalkaaas oo socday muddo ku dhow laba saacadood ayaa waxaa soo afjaray Ciidanka dowladda Federaalka oo toogtay 4 kamid ah Maxaabiista oo qoryo qaatay, lana dagaalamayay Ciidanka Asluubta, waxaana la dhaawacay qaar kamid ah Ilaalada Xarunta iyo maxaabiis kale

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com