Guddoomiyaha Barlmaanka Somaaliya oo cambareyeey werarkii Elite

Guddoomiyaha Barlmaanka Somaaliya oo cambareyeey werarkii  Elite

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay geerida muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee ay kooxaha Argagixisada ku laayeen Hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.

‘’Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii dadkii weerarkaasi argagixisinimo ku waxyeelloobay,dadkii argagixisadu ay gumaadeen ee weerarkaas ku shahiiday Ilaahay naxriistii janno haka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo deg-deg ah’’ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Ciidamada amaanka ku amaanay sida naf hurnimada leh ee ay usoo badbaadiyeen dadkii dhismaha Hotelka ku go’doomay ,sidoo kalena ay usoo afjareen dhagar qabayaashii weerarka ka dambeeyay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay qarax Miinado lala eegtay kolonyo uu la socday sii hayaha xilka Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, xilli uu marayay inta u dhaxeysa Beled-Xaawo iyo Doolow , qaraxaas oo uu wasiirku ka badbaaday balse ay dhaawacyo ka soo gaareen mudanayaal ka tirsan Xildhibaannadda Golaha Shacabka,wuxuuna Guddoomiye Mursal uu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay Xildhibaannada qaraxaas ku dhaawacmay.

Ugu dambeyn waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan Ciidamada Qaranka si looga guuleysto islamarkaana loo cirib tiro kooxahan naf lacaariga ah ee doonaya in ay mar walba daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com