Turkiga oo cambareyeey weraarki lagu qaaday Hoteelka Ellit

Turkiga oo cambareyeey weraarki lagu qaaday Hoteelka Ellit

War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa lagu cambaareeyay weerarkii qaraxa ku bilaawday oo ay Al-Shabaab ka gaysteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si xooggan u dhaleeceynayaan weerarka lagu qaaday Hotel Ellit gelinkii dambe ee shalay, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof 18 kalena ay ku dhaawacmeen.

Anakara ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxanay naxariista Alle u rajeysay Dadkii ku geeriyooday qaraxa, kuwa ku dhaawacmayna inuu siiyo caafimaad deg-deg ah ayaa lagu yiri” war kasoo baxay TURKIGA.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, iyaga oo sheegay inay ku dileen weerarkaas mas’uuliyiin iyo Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladdda Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com