Dowladda Somaaliya oo Twain ku eedeysay inay ku xadgudubtay Madaxbanaanida Somaaliya

Dowladda Somaaliya oo Twain  ku eedeysay inay ku xadgudubtay Madaxbanaanida Somaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay Safaarad maamulka Twain uu ka furtay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Twain ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysay isku dayga taxaddarka ah ee Taiwan ee ku xadgudubka Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ku xad gudubtay sharafteeda, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay diidan tahay dhacdooyinka marin habaabinta ah ee doonaya in ay ku abuuraan kala fogaansho iyo kala qeybinta dadkayaga” ayaa lagu yiri Warka dowladda.

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Dowladnimadeeda, Midnimadeeda dadkeeda iyo sharafteeda ‘Soomaaliya waxay xaqiijineysaa mowqifkeeda ixtiraamka Mabaadiida Awoodda Dowlad Gobaleedyada iyadoo la raacayo Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiyada Qaramada Midoobay” ayaa la sii raaciyay Warka kasoo baxay Wasaradda Arrimaha dibada.

Ugu dambeyntii Warka ayaa lagu xusay ” Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sidaas darteed ugu yeereysa Taiwan inay joojiso howlaheeda marin habaabinta ah qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mabaadi’daani waa kuwo aan gorgortan gelin karin Dowladda Federaalka ah ,Soomaaliya waxay qaadeysaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka iyo Madax-bannaanida siyaasadeed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com