Muqdisho: Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka oo Guddoomiye doortay

Muqdisho: Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka oo Guddoomiye doortay

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Ayaa maanta oo ay Taariikhdeedu tahay 25/08/2020 waxay kulan Kula yeesheen Xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeisa Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Agaasimaha Waaxda Xalka Waara.

Kulankaa oo Ajandihiisu ahaa:
1. Xeerka Hay’adaha aan Dowliga Aheyn.
2. Doorashada Xog-hayaha Guudiga Maaliyadda

Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyada, Maaliyadda Xildh: Aamina Sheekh Cusmaan,

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xil. Jamaal Maxamed Xassan Ayaa warbixin kooban ka siiyey Xeerka Hay’adaha aan Dowliga Aheyn ahmiyada uu u lee yahay Dalka.

Ugu-danbeyn Guddiga Ayaa u doortay Xil. CabdiXakiin Macalin Axmed Maalin inuu noqdo Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com