Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Kulankaan oo Saacaddo badan qaatay waxaa looga wadahadlay Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kala hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalku galay loona baahan yahay in Galmudug ay sii xoojiso doorkeeda Siyaasadeed.

“Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Cabdi Kaariye. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb. Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya. Waxaan mar kale madaxweynaha ugu mahadcelinayaa soo dhowaynta milgaha leh ee uu inoo fidiyey aniga wafdigaygaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com