Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ay ka fuliyeen Jubbada Dhexe.

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ay ka fuliyeen Jubbada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 25/8/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Saakow Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Agaasimaha howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa Jeneraal Bradford Gering.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in xasilinta xaalada amni ee Soomaaliya kaliya lagu gaari karn qaab Millateri, balse loo baahan yahay dowladnimo adag iyo bixinta barnaamijyo dhaqaale iyo fursad siinaya dadka Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com