DFS oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagga fatahaadaha

DFS oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagga fatahaadaha

Shir looga hadlayey ahmiyadda hortabinta beeraha oo ay ka soo qeyb-galeen Agaasimayaasha Beeraha Wadamada Bariga Afrika oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda cunada iyo Beeraha Adduunka ee FAO xarun goboleedkeeda Bariga Afrika ayaa ka qabsoomay aaladda fogaan aragga ee zoom-ka, waxaana Soomaaliya uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Nuur Yuusuf Nuur.

Qodobada shirka fogaan aragga looga hadlay waxaa ka mid ah:
Sameynta suuqa dalageed oo uu yeesho Bariga Afrika
Saameynta Isbadalada Cimilada ee Beeraha
Keydinta iyo Sameynta barta xogaha
Sameynta ilaha kheyraadka Beeraleyda
Sameynta qaabka dhiiri galinta maalgashiga beeraha
Dhaqaajinta fikradaha ama hal-abuurada qalabka casriga ee beeraha
Kulanka ayaa waxaa la isla gartay dhamaan qodobada kor ku xusan iyo xoojinta iskaashiga wadamada bariga Afrika dhanka beeraha sidi looga hortagi lahaa si wada jira qataraha ku imaan kara beeraha oo ay keenayaan cayayaanada hayaama sida Ayaxa iyo Shimbiraha qaar.

Sidoo kale waxaa la isku weydaarsaday waaya aragninada dhanka sida looga hortagi lahaa fatahaadaha, dhisidda kaabayaasha beeraha iyo aqoonyahanada, iyadoo uu kulankan shir guddoominayay Agaasimaha Bariga Afrika ee Hay’adda FAO Mr. David Phiri.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com