Somaliland: Masuuliyiin loo xir xiray musuq-maasuq

Somaliland: Masuuliyiin loo xir xiray musuq-maasuq

Hanti dhowrka Guud ee soomaaliland ayaa shaaciyay in laba ka tirsan mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadad qeybta Gobolka Togdhee ru xireen eedeyn la xiriirta musuq maasuq ay ku kaceen.

Waxaa uu sheegay Hanti dhowrka inay bilaabeen baaritaanka labada qof,kuwaas oo ka howlgalayay kastamka Canshuuraha Gobolka Togdheer,isla markaana howshooda la soo geba-gabeyn doono.

Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Soomaaliland Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa sheegay in labada qof loo gudbiyay Maxkamadda,isla markaana uu raheynayo in cadaaladda la marsiin doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay baaris ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaha Maaliyada, Waxbarashada ,Caafimaadka, Dawladda Hoose , Wakaalada biyaha iyo Cisbitaalka guud ee Burco ,kuwaas oo uu sheegay in looga shakiyay arrimo la xiriira musuq maasuq.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com