MAGAALADA QABRI DAHARE OO LAGA DAAHFURAY LACAGTA CUSUB

MAGAALADA QABRI DAHARE OO LAGA DAAHFURAY LACAGTA CUSUB

Xubno kamid ah Goloha Wasiirada Dawllada Deegaanka Soomaalida (DDS) oo safar ku tagay Magaalada Qabri Dahare ee Gobolka Qoraxey ayaa daahfuray lacagta cusub ee dalka laga hirgaliyey soona gaadhay isla Magaalada Qabridahare.

Masuuliyiinta ayaa iskugu jiray Wasiirka Xafiiska Biyaha, Cabdiraxmaan Axmed Xasan, Kuxigeenka wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha, Axmed Naasir Cali, ee Dawladda Deegaanka Soomaalida,  iyo Maayerka Magaalada Qabri dahare, Cabdirisaaq Cawil.

Masuuliyiinta ayaa daahfuray lacagta cusub ee dalka laga hirgaliyey kadib markii ay soo gaadhay bangiga ganacsiga dalka, laantiisa Qabridahare.

Shacabka Qabri Dahare ayaa isla maanta bilaabay inay lacagahooda ka dabashaan bangiga.

Diwaanka wararka

Warbaahinta Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com