Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Gudoomiyeey Shirka Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Gudoomiyeey  Shirka Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug.

Kulan ayaa diirradda lagu saaray hirgelinta qorsheyaasha iyo siyaasadda horumarinta dhaqaalaha.

Shirkan oo ay soo xaadireen Dhammaan wasaaradaha Udub-dhexaadka u ah ajendaha Horumarinya Dhaqaalaha Sida;
Wasaaradda Maaliyadda,Ganacsiga, Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Tamarta iyo Biyaha, Dekadaha iyo Kaluumeysiga, Badroolka, Gadiidka, shaqadda iyo Shaqaalaha, iyo Howlaha Guud.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ka wasaaradahan ka dhagaystay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay.

Hoggaanka Cusub ee Galmudug wuxuu mudnaanta koobaad siinayaa kobcinta dhaqaalaha iyadoo si hufan loo maareeynayo ilaha dhaqaalaha, laguna dhaqmayo hannaan maaliyadeed oo leh isla xisaabtan iyo hufnaan kaasoo la jaanqaadaya hab dhiska caalamiga ah ee maareynta maaliyadda “Public Financial Management”.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com