Madaxweynaha Hiirshabeele oo Ciidamadda kala hadlay Amniga wadada xiriisa Muqdisho & Jowhar

Madaxweynaha Hiirshabeele oo Ciidamadda kala hadlay Amniga wadada xiriisa Muqdisho & Jowhar

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo qeybaha kala duwan ee 27-aad.

Kulankaan oo ka dhacay guriga Madaxweyne Waare ayaa looga hadlay Xaaladda amniga Hirshabelle, iyo dardargelinta barnaamijka kalaguurka Soomaaliya (Somalia KMG Plan) ) ee xorreynta degaanada HirShabelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in loo baahan yahay in Ciidanka xoogga ay qaadaan howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka guud ka hor inta aysan bilaabin doorashada maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga dalka laga rabo in ay Hirshabelle kala shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Falal amni daro ayaa Sanadyadii dambe kusoo kordhay wadada xiriirsa Muqdisho iyo Jowhar, waxaana halkaasi lagu dilay xildhibaano ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com