Wasiir Bayle oo Guddoomiyay Shirka maaliyadda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe

Wasiir Bayle oo Guddoomiyay Shirka maaliyadda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe

Sii Hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaya shirka wasiirada maaliyadda ee dowlada goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe kaasi oo ku qabsoomay habka muqaalka fogaan arraga. Waxaana ay uga wadahadleen sidii xoogga lagu saari lahaa hormarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxa markale inoo qabsoomay shirkii maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federal ka Soomaaliya.kaasi aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa horumarinta dhaqaalaha dalka iyo wada shaqeynta. Ayuu yiri wasiir Bayle.

Sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr. cabdiraxmaan Ducaale bayle ayaa sheegay inay ka go’antahay in si wadajir looga wadashaqeeyo kobsinta dhaqaalaha dalka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com