Madaxweynaha Jubbaland oo furay Kal-fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland

Madaxweynaha Jubbaland oo furay Kal-fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland isagoo khudbad dheer ka jeediyay.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa qudbadiisa ku sheegay in uu dhowaan soo dhisayo golahiisa wasiirada hal sano kadib markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ku macneeyay sababaha uu u soo dhisi waayay golihiisa wasiirada inuu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubaland oo dhan ah taas oo uu sheegay in illaa hadda guulo la taaban karo laga gaaray.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hada wixii ka danbeeya uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ka dhabaysa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada gobolka Gedo isagoo xusay in hadda uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa isla markana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan Dowlada Federaalka balse ilaa hadda ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com