Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Somaaliya Jawaari oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Somaaliya Jawaari oo gaaray Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad goboleedka koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta gaaray Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mudane Jawaari oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed & Xubno kale.

U jeedada safarka Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Uu ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi uga qeyb-geli doono furitaanka Kal-fadhigii labaad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com