Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo lakulmay saraakiisha AMISOM.

Muqdisho, Mar 15 2017-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda ugu sareysa Ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM, waxa ayna kawada hadleyn arimo muhiim ah.

Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira Caetano,Taliyaha Milatariga AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay Madaxda iyo taliyaasaha ugu sareeya AMISOM sidii loo xoojin lahaa howlagalada amaanka lagu xaqiijinayo iyo in wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan AMISOM iyo xukuumada cusub.

Madaxda ugu sareysa AMISOM ayaa u balan qaaday Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre in si dhaw ula shaqeyn doonana dowlada cusub ayna xoojin doonaan howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka dalka iyaga oo kaa shanaya ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com