Jowhar: Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo la magacaabay

Jowhar: Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo la magacaabay

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka 2aad Hirshabelle Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo soo qabanqaabiya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka Hirshabelle.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye loogu magacaabay Xildhibaan yuusuf Shiikh Xasan Macalin Jeelle halka Xildhibaan Abuukar Xasan Cali uu kaayaa noqday Gudoomiyaha doorashada Guddoonka labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa lagu waddaa in ay dhacdo shanta bisha soo socoto.

Halkan hoose ka aqriso guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabelle;

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com