Garoowe, Mar 19 2017-Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta shir gudoomiyey kulan looga arrinsanayey dardargelinta shaqada dhismaha wada u dhexaysa Garoowe iyo Galkacyo.
Kulanka ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, gudoomiyaha hay’ada wadooyinka ee PHA, Injineero iyo madaxda shirkadda ku guulaysatay qandaraaska dhismaha wadada ee Isxilqaan.
COMMENTS