Kormeerka Radio Daljir ee xarumaha Cadaalada degmada Caabudwaaq (Sawiro)

Kormeerka  Radio Daljir ee xarumaha Cadaalada degmada Caabudwaaq (Sawiro)

Caabduwaaq: Kormeerka Radio Daljir ee xarumaha Cadaalada degmada Caabudwaaq (Sawiro)
Barnaamijka Wadajirka ah ee Ilaalinta iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo Radio Daljir ka wado deegaanadda Puntland iyo Galmudug, ayaa khamiistii todobaadkan gaarey degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud halkaasoo lagu qabtay tababar looga hadlayo ilaalinta & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Tababarka oo qabsoomay Jimce 30 Oct 2020 waxaa markii uusoo dhamaaday masuuliyiinta Daljir & xubnihii ka faa’iidaystey Tababarka kor u qaadista ilaalinta Xuquuqda aadanaha ee degmada Caabudwaaq ay kormeer wada jir ah ku sameeyeen xarumaha Cadaaladda ee degmada, gaar ahaana Maxkamada degmada & Saldhiga dhexe ee degmada.Kormeerka ayaa subaxnimadii sabtida 31 Oct 2020 ka bilowday Maxkamada degmada oo ku taala dhinaca Koonfureed ee magaalada, taasoo ku shaqaynaysa dhisme la taagey Xiligii ay jirtey Dawladii Burburtay ee uu hogaaminayey AUN Maxamed Siyaad Barre, dhismayaasha ayaa qayb kamid ahii ay yihiin qabyo kuwaasoo qabyo ahaa mudo ka badan 30 sanadood.

Laba Garsoore & gudoomiyahooda ayaa ka hawlgala Maxkamadan waxaana xiliga masuuliyiinta Daljir tageen ku sugnaa dad badan oo sugayey garmaqalka Dacwado ka yaala Maxkamada iyo kuwo xiligaas doonayey inay dacwado cusub furtaan.

Kormeerka oo daaranaa u kuur-gelidda duruufaha ay ku shaqeeyaan xarumaha Cadaalada ee degmooyinka uu ka socdo barnaamijka Wadajirka ah ee horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinteeda. waxay sidoo kale masuuliyiinta Daljir kormeer ku tageen Saldhiga Dhexe ee degmada Caabudwaaq halkaasoo ay ka socotey shaqada maalinlaha aha ee ciidanka Booliiska.

Masuuliyiinta Daljir & xubnaha ka socdey bulshada Rayidka ah ee Caabudwaaq ayaa mid mid u galay Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Taliyaha Saldhiga Caabudwaaq, Taliye kuxigeenka Saldhiga, Madaxa Hawlgelinta ciidanka Booliiska, Xafiiska danbi baarista, xafiiska dacwad qorista & diiwaangelinta kiisaska (OOBI) ga iyo qolalka lagu xiro dadka kala duwan ee lasoo eedeeyo.

Saldhiga Dhexe ee Caabudwaaq waxaa siweyn uga dhex muuqda Doorka Haweenka ee shaqadda Booliiska. xafiiskayada la kormeeray waxaa qaarkood maamulaya Haween sida Xafiiska Dacwad qorista & diiwaangelinta Danbiyada Dhaca oo ay masuuliyiinta Daljir kusoo dhoweysey gabadh aad u da’yar balse ay ka muuqato xirfad saraysa oo shaqada ay hayso ah.

Masuuliyiinta Saldhiga booliska Caabudwaaq ayaa kormeerayaasha Daljir ka socdey u sheegay in Saldhiga ay ka hawlgalaan 51 Haween ah oo isugu jira, Askar hubka qaadata, Danbi-Baarayaal, Saraakiil Xigeeno, Dabley & Alifley oo qabta dhamaan shaqooyinka ciidanku qabtaan.

Caqabado kala duwan ayaa ku xeeran xarumaha Cadaalada ee Caabudwaaq kuwaasoo isugu jira la’aanta Dhismayaal ku filan oo ay ku shaqeeyaan, Adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin oo aysan helin iyo Doorkii bulshada ee horumarinta Xarumahan oo aan muuqan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com