Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Sheekh Shariif Sheekh oo ah hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa booqashadan uu ku tegey magaalada Jowhar ay tahay tii labaad uu ku tago muddo afar maalmood gudahood ah isagoo 1dii bishan uu ku tegey booqasho qaadatay muddo 24 saacadood.

Illaa hadda lama oga sababta keentay in uu dib ugu soo laabto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed magaalada Jowhar waxana ay imaanshihiisa ku soo beegantay maanta iyadoo ay ka dhacayso magaalada Jowhar doorashada guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com