Keydad hub ay lahaayeen Tigreega oo duqeyn lagu burburiyay

Keydad hub ay lahaayeen Tigreega oo duqeyn lagu burburiyay

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in duqeymo lagu bartilmaameedsaday bakhaaro hub ku keydsanaa oo ku yaalla Gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Abiy oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in la burburiyay madaafiic goobo fog fog gaarayay iyo keydad hub, isagoo xusay in duqeyntaas ay ku dhacday sidii loogu talagalay.

Xisbiga TPLF ayaa sheegay in Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay khamiistii duqeymo ka geysteen goobo ka mid ah magaalada Maqale ee caasimada Ismaamulka Tigreega.

Xiisada dagaal ee ka taagan Gobolka Tigreega ayaa laga cabsi qabaa inay sababto bilowga dagaalo sokeeye oo ka qarxa dalka Itoobiya.

Dowladda Dhexe ee Itoobiya ayaa xaalad degdeg ah oo lix bilood ku soo rogtay Gobolka Tigreega, tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Maamulka Tigreega.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com